Wasiirka Amniga oo booqdey degmada Balcad

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ay wehlinayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka iyo siyaasiyiin ayaa maanta socdaalka dhulka ah ku tegey degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdiga Wasiirka Amniga ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka degmada Balcad oo uu horkacayo guddomiyaha mamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ( Qaasim Furdug)waxana ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyagoo ka dhagasytay maamulka iyo shacabka baahiyaha amni ee ka jira degmada Balcad.

Wafdiga Wasiirka Amniga oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Cabduqadir Carabow Ibrahim iyo Xildhibaan Aadan Cali Xasan kana mid ah xildhibaanada  laga soo doortay Hirshabelle ayaa waxa ay sheegeen in degmada Balcad ay u yimaadeen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada amni iyo mida baahi ee shacabka degmada balcad ay qabaan.

“Waxaan indhaheena ku soo aragnay burburka xoogga leh ee haysta wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo degmada Balcad iyo dhibaatada shacabka ku haysata waxaana aan rajeyneynaa in dhowaan dayactir lagu sameeyo.”ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Wasiirka Amniga Dowlada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka hadlay arrimaha ammaanka ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin weerarada Al-shabaab ee ku soo laalaabtay wadada isku xirta degmada Balcad iyo magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle,

Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale xusay inuu socdo qorshe amniga lagu soo celinayo islamarkaana kaalinta ciidanka Militariga dowlada Soomaaliya ay noqon doonto mid meesha looga saaro weerar ka yimaada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...