Madaxweyne Farmaajo oo kormeerey xarunta ciidanka qeybta 21 aad ee dhuusamareeb

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taala magaalada Dhuuso Mareeb,isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil iyo ciidamo.

Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah ALshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan madaxda Galmudug,mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa ammaan iyo gobaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda,wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka lagu dhameystirayo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug,kaasi oo ka furmaya magaalada Dhuusamareeb.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...