Soomaaliya oo ka qeybgalaysa tartan ka furmaya Tunisiya

Date:

Waxaa lagu wadaa in Dalka Tuniisiya uu maanta ka furmo tartanka ciyaaraha Xeegada ee Caruurta ka yar daโ€™da 15-ka sano ee wadamada ku bohoobay Jaamacadda Carabta.

Tartankaasi oo la qabto sanadkasta ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wadamo ay kamid tahay Soomaaliya Waxaana halkaas Soomaaliya umatalayo saddex caruur ah kuwaasi oo lafilayo in ay la baratamaan caruur kale oo ka socota wadamada qeybta ka ah Jaamacadad Carabta.

Caruurta Soomaaliya u matalidoonta tartankaasi ayaa waxaa ay kala yihiin, Siham Cabdirashiid oo10 jir ah, Salma Cabdirashiid 11, iyo Maxmed Cabdirashiid oo 13 jir ah kuwaasi oo ah sedax caruur ah oo wada dhalatay.

Tababaraha caruurtaasi oo Soomaaliya u matalaysaa tartankaasi ayaa ahย  Cabdirashiid Ibraahim Xuseen ah aabaha dhalay ilmahaasi kuwaasi oo degan dalka Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha...

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir...