Soomaaliya oo ka qeybgalaysa tartan ka furmaya Tunisiya

Date:

Waxaa lagu wadaa in Dalka Tuniisiya uu maanta ka furmo tartanka ciyaaraha Xeegada ee Caruurta ka yar da’da 15-ka sano ee wadamada ku bohoobay Jaamacadda Carabta.

Tartankaasi oo la qabto sanadkasta ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wadamo ay kamid tahay Soomaaliya Waxaana halkaas Soomaaliya umatalayo saddex caruur ah kuwaasi oo lafilayo in ay la baratamaan caruur kale oo ka socota wadamada qeybta ka ah Jaamacadad Carabta.

Caruurta Soomaaliya u matalidoonta tartankaasi ayaa waxaa ay kala yihiin, Siham Cabdirashiid oo10 jir ah, Salma Cabdirashiid 11, iyo Maxmed Cabdirashiid oo 13 jir ah kuwaasi oo ah sedax caruur ah oo wada dhalatay.

Tababaraha caruurtaasi oo Soomaaliya u matalaysaa tartankaasi ayaa ah  Cabdirashiid Ibraahim Xuseen ah aabaha dhalay ilmahaasi kuwaasi oo degan dalka Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...