munaasabadda xiritaanka aqalka sare oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Munaasabad lagu soo xerayay kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo ku xigeenadiisa, Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa Munaasabada kasoo jeediyay Warbixin uu kaga hadlayo waxybaabihii u qabsoomay Kalfadhigii Labaad isagoona sheegay in ay qabteen howlo aad iyo aad u fara-badan, lagama maarmaanna u ah dowladnimada kor-joogteynta, xeer-dejinta iyo matalaadda, isaga oo hiigsanaya guddiyadiisa kuwaas oo mar walba horkeenayey fadhiga guud ee golaha si go’aan looga gaaro, howlahaasi waxaa ka mid ahaa: hindise sharciyeedyo dhowr ah kuwaas oo goluhu si taxadar leh uga baaraan-dagay iyada oo lagu sad goynayey danaha guud ee qaranka isaga oo mid ka mid ah la meel-mariyay halka kuwa kalana u madlan yihiin kalfadhiga soo socda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Aqalka sare, isagoo bogaadiyay howlihii ay qabteen Kalfadhigii Labaad.

Guddoomiyaha Maxkmada sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhankiisa amaanay guulihii aqalka sare uu gaaray Kalfadhigii labaad, isagoo sheegay in wax lagu farxo ay tahay howlaha adag ee qabsoomay.

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka hadlay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u hambalyeeyay Aqalka sare, isagoona sheegay in Labada Gole ay guud ahaan usoo xirmeen Kalfadhiyadooda Labaad.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa u mahad celiyay dhamaan Masuuliyiintii iyo marti sharaftii kale ee kasoo qeyb gashay Munaasabada lagu xirayay Kalfadhiga Labaad ee Golaha Aqalka sare, wuxuuna sheegay in golaha uu qabtay hawshii loo igmaday, si fiicana uu u gutay Waajibaadkii looga baahnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...