Wasiirka Amniga gudaha XFS oo soo xiray shirkii amniga ee ka socday Magaaladda Kismaayo

Date:

Shirkaan oo socday muddo labo casho ah, ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha amniga dowlad gobolledyada  iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siddii ay  iskaashi u yeelan lahaayeen, waxaana   kasoo ay kaqeyb galay shirkan  mas’uuliyiinta wasaaraddaha  amniga dowlad gobolleedyada dalka iyo wasiirka amniga gudaha dowladda Soomaaliya.

Inta uu shirka socday,  ayaa looga hadlay la dagaalanka cadowga ummadda  Soomaaliyeed  iyo siddii loo heli lahaa cudada mideysan oo ka hor tagta nabad diidka Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Shirka wasiiradda amniga dowlad gobollleeyada iyo wasaarad amniga gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa laga soo saaray 7 qodob oo muhiim u ah mideynta awoowahada iyo la dagaalanka aragagixisada Alshabaab.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow, ayaa ahmiyada shirka la wadaagay warbaahinta, waxaana uu shirkaan ku tilmaamay midkii lagu tayeyn lahaa laamaha amniga dalka iyo isdhaafsiga xogaha ku saabsan argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...