Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Warbixisay Socdaalkeeda Maamulada Qaar Ku Tagtay.

Date:

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Cismaanciil Ibraahim Xaliimo yareey oo la hadashay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Socdaal ay maalmihii dambe ku marayeen Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada hoos yimaada Maamulada Jubbaland,Koonfur galbeed iyo Hirshabeele.

Xaliimo Cismaanciil Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa tilmaantay in guddiga oo ka duulaya Go,aankii Madaxda Qaranka ee ahaa in Dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah ay xoogga saarayaan hir galinta go,aanka Madaxda.
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday safaro kala duwan oo ay ku tagayaan Gobolada Dalka gaar ahaan deegaada Dowlad Goboleedyada waxaa ayna gaareen maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele iyagoona tilmaamay in ay dhawaan gaari doonaan Putland iyo Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...