War-Saxaafadeed : Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaal u Kuur Gelid Ah Ku Maraya Qeybo Ka Mid Ah Gobollada Dalka.

Date:


Garoowe, 7 Janaayo 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabka magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa uga mahadceliyay sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen.

“Waxaan u imid inaan arko xaaladda halkan ka jirta, ayna ugu horreyso inaan nabadda xoojinno oo ka shaqeyno dib-u-heshiisiinta, waxaana jeclahay inaan tago dhawr magaalo oo aan la kulmo cuqaasha, aqoonyahanka, bulshada rayidka ah iyo ardayda Jaamacadaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo lagaga hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxa uuna warbixinno ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaalkan oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu ku mari doonaa qeybo kamid ah deegaannada Puntland si uu ugu kuur galo nolasha iyo baahiyaha dadka ku dhaqan gobolladaas.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail:media@presidency.gov.so

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...