Wasiiradii Dhawaan La Magacaabay Oo Maanta La Dhaariyay…

Date:

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyay sedexdii Wasiir oo u dhawaan magacaabay R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,kuwaasi oo lagu hor dhaariyay kulanka guddiga Joogtada aha ee Golaha Shacabka.

Munaasbaadda dhaarinta ah waxaa goob joog ka ahaa guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,waxaana lagula dardaarmay dhaarintooda ka dib in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaala.

Wasiirada la dhaariyay ayaa kala ah,Eng. Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha Gudaha,Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,kuwaasi oo dhawaan lagu magacaabay degreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirada ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyadoo sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda uu kulan salaan ah kula qaatay garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweynaha JFS oo xiligaasi ku sii jeedey magaalada Garoowe.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo maanta dalka soo gaaray ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweyey mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...