Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Oo Soo Dhaweeyay Fanaanad Nakruumo Iyo Wariye Luul Cali X.

Date:

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiisa C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng: Yariisow iyo Masuuliyiin kale ee ka tirsan Wasaaradda warfaafinta ayaa soo dhaweeyey Fanaanad Faadumo Cali Jaamac Nagruuma iyo Luul Cali Xasan Luula oo kamid aheyd Wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho.

Intii uu socday kullanka lagu soo dhaweynayey oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Madaxda Kooxda Fanka ee Waabari iyo Faniiniintaba, ayaa waxaa ay ka sheekeeyeen xilliyadii kala duwaanaa ee ay soo mareen, waxaana ay sheegeen inay aad ugu hiloobeen dalkooda oo muddo badan banaanka ka joogeen.

C/kariim Faraax Qaarey Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in tani muhiim gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Fanaanada Qaranka Faadamumo Cali Nagruuma ayaa dhankeeda sheegtay inay Muddo badan ku maqneyd dalka dibadiisa, balse aad ayay ugu faraxsan tahay inay maanta ku sugan tahay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya.

โ€œUjeeda aan u nimid halkaan waa in aan dadkeena tusno in dalkeenu nabad yahay, waxaana allah ka baryaa dalkeena oo wanaagsan iyo Soomaaliya oo dadkeedu iswada raacsan yahayโ€

Luul Cali Xasan Luula oo ka mid aheyd Hal-dooradii Radio Muqdisho ayaa sheegtay in aan marnaba farxadeeda la qiyaasi karin, ayna joogto meeshii ugu horreynteedii ay shaqo ka bilowday.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa C.raxmaan Cumar Cismaan oo soo dhaweeyey Fanaaniinta ayaa tilmaamay inay aad u soo dhaweynayaan Faaduma Nagruuma iyo Luul Cali Xasan, kuwaas oo muddo badan aanan arkin Soomaaliya, balse hadda jooga gaar ahaan Xaruntii ay ka howlgali jireen.

โ€œWaxaan idinku soo dhaweynaa Wasaaradda Warfaafinta oo aad shaqo badan ka soo qabateen xilligii aad ka shaqeyn jirteen, waxaad soo marteen waqti badan aad u wanaagsan, balse waxaa dhacay dhibaato badan hadana waxaan ku soconaa waddadii aan kaga soo kabso laheyn, waxaana rajeyneynaa in aad qeyb ka qaadataan arrintaas.

intaas kadib Faadumo Cali Jaamac Nakruuma iyo Luul Cali Xasan Luula ayaa soo arkay qeybta Keydka ee Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Radio Muqdisho iyo Tv-ga Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulanka 150-aad ee Baarlamaanka Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga iyo wasiirkii hore ee Wasaaradaas

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Raโ€™iisul Wasaare Xamse โ€œ Booqashada Laascaanood waa mid qorsheysan oo lagu xoojinayo xiriirka XFS iyo SSC Khaatumoโ€

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...