Wasiir Beyle iyo madaxda kale oo Dalxiis ku tegay deegaanka Goob-weyn

Date:

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo hogaaminaya Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada ayaa Booqday Deegaanka Goob-weyn ee Gobolka Jubada Hoose.

Halkaasoo Wasiirradu soo indha indheeyeen qaabka deegaanka iyo habka cimilo ahaan ay u sameysan tahay,taasoo laga dheehan karo hab dhaqan dhaqaaleiyo Dalxiis.

Deegaanka Goob weyn oo ah halka Wabiga Jubba uu kaga darsamo Badweynta Hindiya ayaa ah deegaanka dalxiiska aad ugu wanaagsan.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo u tagay shir looga hadlayo mideynta canshuuraha Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo gelinkii danbe ee talaaladada lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.





Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...