Shirka Wadamada Islaamka ee looga hadlayo Arinta Qudus oo Goordhow Furmay

Date:

Waxaa goordhow magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka furmay Shirka deg dega ah oo ay isugu yimaadeen dalalka Islaamka kaasi oo looga hadlayo go’aankii Donald Trump uu Caasimada Israa’iil ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen hogaamiyeyaasha 16-dal  iyo wakiilo ka socda qaar ka mid ah wadamada Islaamka ayaa waxaana khudbada furitaanka ka jeedinaya Madaxweyne Turkiga Erdugan oo ah Shir guddoomiye ah, isagoo ugu baaqay Mareykanka inuu ka laabto Go’aanka uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil, wuxuuna ugu yeeray Dowladaha iyo Hay’addaha Difaaca Xuquuqda Aadanaha inay caasimada Falastiin u aqoonsadaan inay tahay Qudus.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka uu khudbad ka tarjumeyso qadiyada Falastiin inuu ka jeediyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israa’iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Caro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...