IMF oo soo dhaweysay Guulaha Somalia ay ka gaartay Hanaanka Maamul Maaliyadeed

Date:

Hay’adda lacagta ee IMF ayaaa soo dhaweysay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ee wax looga qabanaayo siyaasad ahaan iyo isbadal ahaan barnaamijyada horumarineed ee lagu kobcinaayo dhaqaalaha dalka iyo kuwa lagula dagaalamayo musuqa

IMF ayaaa aaminsan in guul ay tahay ballanqaadka adag ee Madaxda Dalka ay ugu jiraan jiheynta iyo wax ka badalka  nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo fulinta barnaamijyada horumarineed ee hey’adda IFM ay u qorsheysay dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan xaalado adag oo ku xeeran.

Hay’addu waxa ay taageertay sida madaxda dowladda ay u qaadeen tallaabooyinka looga hortagayo yaraanta daqliga gudaha iyo  horumarinta nolosha dadka.

Wax qabadka Maamulka si waafaqsan SMP Bishii September 2017 si weyn ayaa loogu Qancay. Waxay Cusbooneeysiiyeen Isfahamka Dhaqaalaha iyo Siyaasadaha Maaliyadda Waqtiga u dhexeeya 2018 iyo 2019.

Kooxda kormeerka Sameeysay waxay Aaminsanyihiin in Siyaasadaha iyo Dib uhabeeyntuba ay Dowladda Soomaaliya ka caawin doonaan si ay u gaarto Koboc, dib u kabsasho iyo Hadafyadda bulshadda.

Hadaladaan ayaa ka dambeeyay kulan  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle uu magaalada Nairobi kula yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, gaar ahaan Barnaamijka Geedi usocodka Deyn Cafiska ee loo soo gaabiyo ‘SMP’.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...