Madaxweyne Farmajo oo lagu so dhaweeyey Turkiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey  magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga,halkaasi oo ka furmaya shirka madaxda wadamada Islaamka oo looga arrinsanayo qadiyadda Magaalada Barakaysan ee Qudus.

Wafdiga madaxweyn aha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga,waxaana ku soo dhawereyey diblomaasiyiinta Safaaradda Somaaliya ee Turkiga iyo mas’uuliyiinta Dalkaasi Turkiga.

Hoggaamiyaasha wadamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay kujirto ayaa lafilayaa in ay shirkooda ka soo saaraan go’aano deg deg ah oo ku aadan arrinta Qudus.

Waxaa shirkan deg dega ah ee arrinta  Qudus 6dii bishaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil,iyo jawaabta ay kabixintoonto Dunida Islaamka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxmed Axmed ayaa  sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”Ayuu yiri C/nuur.

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.

Wixii ka dambeeyey markii madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel waxaa marqura caro xoogan muujiyay dhamaan shucuubta muslimiinta ah ee caalamka ku nool,waxaa bilowday bannaanbaxyo looga soo horjeedo go’aanka qaldan ee uu qaatay madaxweyne Trmp.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...