Kenya oo dardar gelinaysa weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab

Date:

Nairobi-(SONNA)-Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa ka digay weerarro Argagixiso oo ka dhaca degaanka Lamu iyo dhulka ku xeeran, markii laga war helay xubno ka mida Al-shabaab oo ku sugan nawaaxiga Ijaara oo ka tirsan Ismaamulka Gaarisa.

Guddoomiyaha Gobolka Lamu, Gilbert Kitiyo, ayaa ugu baaqay Dadka halkaasi ku dhaqan inay ka caawiyaan xogaha la xiriira halka ay deggen yihiin iyo dhaq-dhaqaaqyadooda, si ay laamaha ammaanku u helaan macluumaad dheeri ah.

Dowladda Kenya ayaa indhowaalaba wadday howlgallo Cir iyo Dhul ah oo lagu baacsanaya cutubyo ka tirsan Al-shabaab oo fariisimo ku lahaa keymaha Boni, halkaasoo ay ka qaadi jireen weerarro ka dhan ah Ciidamada Kenya iyo Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Isha:The Standard

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...