Guddiga doorashooyinka Qaranka oo daahfuray qaamuuska eray bixinta doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda Guddiga 5-sano soo socota+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Waxaa maanta la daahfuray Istiraatiijiyadda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka shanta sano soo socota oo qeexesa arrimo ay kamid yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ,diyaaarinta sharciyada doorashooyinka,wacyigalinta bulshada ee dhanka doorashooyinka, diwaangalinta cod bixiyaasha iyo hirgalinta axsaabta ,waxaana sidookale Guddiga ay soo bandhigeen qaamuuska eray bixinta doorashooyinka Somaaliya iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Qorheynta dowladda federaalka ah ,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ,xubnaha Guddiga madaxabanana ee doorashooyinka iyo wakiilo kaoscday Beesha caalamka iyo axsaabta siyaasadeed.

Gudoomiyaha Guddiga madaxa baanaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in qaamuuska ay soo bandhigeen uu shacabka Somaaliyeed u fududeynayo fahamka doorashooyinka.

“Anaga doorasho waxaa noogu dambeysay 47-sano kahor ,mudadaas 47-da sano ah ayuuna aduunku isii badalayaa taas ayaa nagu qasabtay inaa tarjunno luqadda doorashooyinka waxayna arintaan fursad u tahay dadka Soomaaliyeed inaysan ku dhibtoon doorashada aan arajeneyno inaan hirgalino sanadka 2020 taasi oo ah doorasho qof iyo cod ,xor iyo xalaal ah”

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qm u qaabilsan Somaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa xusay in Qm ay taagaeereyso Guddiga doorashooyinka Qaran ee  madaxa banaan.

“waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa inaan idiin xaqiijiyo sida ay uga go’an tahay QM inay garab istaagaan dadka iyo madaxda Somaaliyeed si ay u gaaraan dimuqraadiyad iyo doorasho xalaal ah iyadoo la xaqiijinayo habka ay u dhaceyso doorashada sanadka 2020”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Thaabit cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan ka geysnaayaan hirgalinta doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020.

Wasiirka Wasaardda Qorheynta Dowladda federaalka mudane Jamaal Maxamed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri

“Guddiga doorahooyinka qaranka waxaan idin kaga mahadcelinayaa sidaa istiraajiyadiina u waafajiseen qorshaha hormarinta qaranka iyo dastuurka dalka ,marka waa muhiim in qorshahaan la hirgaliyo”

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo sidoo kale katirsan xubnihii kasocday axsaabta siysaadeed ayaa shacabka Somaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb qaataan dadaalada uu guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ugu jiro hirgalinta doorasho qof iyo cod ah inay qabsoonto sanadka 2020.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dalka ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo isugu jira dhameystirka hanaanka Axsaabta iyo diyaarinta waxyaabaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada iyadoo dhawaan guddigu shahaadooyinkii diiwanagalinta kumeel gaarka ah ay siiyeen ilaa 7-xisbi oo kamid ah ururada siyaasadeed ee dalka ka jira.

W/D: Cumar Xasan Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...