Madaxweyne Farmaajo oo dalka Turkiga kaga qeyb galaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka

Date:

Muqdisho, Disembar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa umba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeyb-galaya shir deg-deg ah oo ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ( OIC ).

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in safarkan uu salka ku hayo arrimaha ka soo kordhay magaalada barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay goโ€™aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkan.

โ€œMadaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka qeyb-galayaa shirka Qudus oo 6dii bishaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan goโ€™aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil.โ€

Agaasimaha waxa uu sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

โ€œSoomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano goโ€™aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.โ€

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...