Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqul insaanka+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA);– Iyadoo maanta ay ku beegan tahey maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha oo sanad kasta dunidu u dabaal dagto 10-ka Decembar ayaa maanta lagu qabtay munaasabad xuska lagu muujinaayo xarun ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo qaba baahiyaha gaarka ah, waxaana  soo qaban qaabiyeen 6-Urur oo u dhaq dhaqaaqa horumarinta dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee xuquuqul insaanka oo hoostaga Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee UNSOM.

C/qaadir sheikh Cabdi-wahaab oo ka mid ahaa Ururada xuskaan soo qaban qaabiyey ayaa ka shekeeyey dhibaatooyinka horyaala dadka qaba baahiyaha gaarka ah,wuxuuna dhanka kale sheegay in sanadkaan la dareemayo horumar dhanka dadka baahiyaha gaarka qaba ah.

Xabiibo Xasan Maxamed oo ah madaxa xarunta Barakacayaasha kulankaan goob joog u ahaa iyo Muno Xasan Axlaam oo iyana ka mid ah dhalinyaro u dhaq dhaqaaqda Xuquuqul insaanka ayaa ka hadlay ahmiyada ay maalintaan u leedahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee bulshada ku dhex nool.

Waxay si wada jir ah u qeexeen iney jiraan dad fara badan oo baahiya gaar ah qaba oo hadana aan helin daryeelkii ay u baahnaayeen,balse ay jirto la tacaalid kooban.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ),Maxamed ibraahim Macalimu oo hadal kooban madasha ka jeediyay ayaa sheegay in sanadkaan wariyeyaal badan in xadgudub ka dhan ah bini-aadanimada lagula kacay.

Waxaa sidoo kale,Xuskaan uu ka dhacay xarunta dhismihii Jaamacadda Gaheyr oo ay hada dhex dagan yihiin dad barakacayaal ah oo qaba baahiyaha gaarka ah qaba oo ka waramay siday hadda xaaladooda tahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...