Dowladda Lubnaa oo ku baaqday cunaqabatayn la saaro Mareykanka

Date:

Lubnaan(SONNA) Gebran Bassil oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka  Lubnaan, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Xukuumadda Washington,si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus.

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka,taasi oo ay ku tilmaantay wadada kaliyah oo looga aarsan karo Mareykanka.

Hadalka ka soo baxay Dowladda Lubnaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo wadamada Islaamku ay ka fekerayaan sidii laga yeeli lahaa go’aanku uu qatay Mareykankaiyo in laga jawaabo.

Waxaa kale oo ka jiray magaalada Qaza deganaansho la’aan kaddib dibadbaxyo ka dhacayay halkaasi iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Daanta Galbeed ee Israil ay heysato.

Waxaa dhamaan dunida Muslimku ay ka midaysantahay aragtida ku aadan talaabada uu qaaday madaxweyne Donald Trump,taasi oo walaac u abuurtay bulshada caalamka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...