Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo gaaray K/Afrika

Date:

K/Afrika(SONNA) Xildhibaan ka socda Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Cape-Town ee dalka koofur Afrika,waxaana garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi kusoo dhaweeyay jaaliyadda soomaaliyeed.

Jaaliyadda ayaa soo dhaweyn wanaagsan u sameysay  senator,Abdi Axmad Dhuxulow (dhegdheer) oo garoonka diyaaradaha ee magaalada cape town kula hadlay jaaliyadda kadib marki diyaaraddii sidday ay soo caga dhigatay ayaa dhankiisa u muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay la kulanka shacabkiisa,maadaama ay tahay markii ugu horeysay ee masuuliyiin ka socota Aqlka sare ee Dowlada Fedaraalka soomaaliya ay yimaadaan magaaladaan cape town.

Ali Calasow, Abuukar Bunka iyo Mahad Cumar Cabbdi oo ka mid ahaa odayaashi ka qeyb galay soo dhaweynata oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay soo booqdaan.

Ugu dambeyntii Senator Abdi Axmed (Dhuxulow) ayaa u mahadceliyay shacabkii soo dhaweeyay si koobanna warbixin uga siiyay waxyaabaha socdaalkiisu ku aadanyahay,wuxuuna xusay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay u kuurgalaan xaaladda Soomaalida ku nool halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...