Wasiirka Socdaalka Kanada oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool Minnesota (Sawirro)

Date:

Minnesota(SONNA)-Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Wadanka Kanada, Axmed Xuseen Dirir oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa Soomaalida gobolka Minnesota ku dhaqan la yeeshay kulamo kala duwan.

Wasiirka ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka uu ku joogo Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka oo ay Soomaalidu aadka ugu badan yihiin, wuxuuna sheegay in uu u yimid arrimo badan oo ay ka mid tahay in Dowladda Canada ay u soo dirtay inuu la shiro Guddoomiyaha Gobolka, masuuliyiinta Golaha deegaanka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaasi.

Wasiirka oo ka hadlaayay Xiriirka u dhaxeeya Canada iyo Maraykanka ayaa yiri, ” labada dal waxaa ka dhaxeeya arrimo badan oo ay ka mid tahay ganacsi ayaa ka dhaxeeya, ma aha in Dowladda sare oo kaliya, balse waa in lala kulmaa oo lala sheegeysta maamul goboleedyada, Minnesota-na dalka Canada ganacsi badan ayay la yeelataa, dhaqaale badan ayaa laba dhinac u gudba, waxaa kaloo aan u imid inaan Dadka ku dhaqan Minnesota ina aan u sharaxo siyaasadda Socdaalka Dalka Canada, isbedelka iyo waxyaabaha ay qabaneyso iyo waxa ay ku talao jirto”.

Wasiirka oo ay wareysatay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo ka jawaabayay su’aal la xariirtay sida ay Dowladda Canad u soo dhaweynayso dadka ka cararaya Maraykanka oo doonaya inay galaan Canada ayaa yiri, ” Canada waxaa weeye wadan furan oo ogol in Dad ajnabi ah qaataan oo ay ka shaqeeyaan Canada oo ay soo guuraan, laakiin muhiimaddu waxaa weeye in ay Albaabadii loogu talagalay soo maraan, waxaan diidan nahay waxaa waaye in shaqsiyaad ama Dad iskaya inay xuduuda soo gudbaan iyagoo aan soo marin meelaha loogu talagay, marka Canadna dan uguma jirto Maraykanka-na dan uguma jirto”.

Mar wax laga weydiiyay maxaad u qabatay inta aad Wasiirka ka tahay Dalka Canada Dadka Soomaaliyeed, ayaa yiri, ” wax badan ayaa u qabtay, balse aan sheego marka hore Soomaaliya Safaarad kuma laha Dalka Canada, marka haddii ay jiri laheyd Safaaraddu waxaa sii fiicnaan lahaa xiriirka labada Dal, waxaan u gudbiyay lacag waagii abaarta iyo siyaabo kale 119 Million oo Doolar aniga shaqsi ahaan aan Dowladda Soomaaliya u gudbiyay, lacagtaasi 21 Million oo ka mid ah waxaa loo qoondeeyay Soomaaliya , Dowladda Canada waxaad moodaa inay u soo laabatay Mucaawinadii ay Soomaaliya siin jirtay ay sii xoogeysatay”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...