Maleeshiyada Al-shabaab oo boobay hantida Shacabka Ceel cadde

Date:

Muqdisho(SONNA)–Maleeshiyaadka argagaxisada Al -shabaab ayaa boob u geystay, islmarkaana qaatay hanti ay lahaayeen ganacsatada Deegaanka Ceel cadde ee Gobolka Hiiraan.

kooxadaasi Al -shabaab ayaa la sheegay kadib markii ay boobeen goobaha ganacsi in ay hore u sii wateen afar Ruux oo ka mid ah ganacsataada ku dhaqan deegaankaasi Ceel cadde, in kastoo ay markii dambe soo daayeen, balse ay qaateen hantidii tiilalay deegaankaasi, lama oga ujeedada ay u qaateen, waxaase la sheegayaa in Shacabka deegaankaasi ay yihiin kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, kana soo horjeeda Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, sidaasi daraadeed ayay ku baneysteen inay boobaan hantida Dadkaasi, iyadoo Hantida la boobay ayaa isugu jirta Raashin, bagaash iyo waliba shidaal, waxaana lagu soo waramayaa inay hantidaasi geysteen Tuulada Buq-aqable.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Maxamed Geeddi ayaa sheegaya in Dadka Deegaanka Ceel cadde dhawaanahaanba dagaal kula jiray Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, waxayna ahaayeen kuwo iskood isku hubeeyay, kadib markii ay u adkeysan waayeen, doonayana inay ka hortagaan dhibaatada ay ku hayaan Dadweynaha ku dhaqan Deegaankaasi, iyadoo dhacdaasi kadib ay shacabku isku booriyeen in mar kale la is abaabulo, si aysan mar dambe ugu soo noqon dhibaatadaan oo kale.

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa mar walba dhibaatooyin kala duwaan u geeysta shacabka ku nool Degaanada ay gacanta ku hayaan ama aan laga teegeersaneyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...