Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ganacsato ka socda Afrika ay maalgashi u imaan doonaan Soomaaliya

Date:

Masar(SONNA) Magaalada Sharmal Sheekh ee Dalka Masar ayaa waxaa weli ka soconaya shirkii looga hadlayay arrimaha ganacsiga Qaaradda Afrika,iyadoo hoggaamiyaasha Afrika ay diiradda saarayaan horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika.

Waxaa bar-bar socda shirkaasi oo Soomaaliya uga qeybgalayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo,kulamo gaar gaar ah oo ka dhacay Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar,waxaana Soomaaliya loo balan qaaday in ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan Dalka Masar ayaa la kulmay ganacsatada Afrikaanka ah iyo masuuliyiinta wadamada Afrika qaarkood, waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca ganacsiga.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta,maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee shirkaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...