Mareykanka oo ugu Baaqay Muwaadiniintiisa inay Feejignaadaan ka dib Go’aanka Qudus

Date:

Wasaaradda arimaha dibada ee Mareykanka ayaa safaaradaha iyo Shaqaalahaba uga digtay jawaab celin careysan oo ka imaan karta goaanka Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump maanta laga sugayo kaas oo ah in Maraykanku Qudus uu u aqoonsado Caasimada Israa’iil isla markaana safaarada Mareykanka uu u raro Qudus.

Sidoo kale Wasaarada Arimaha Dibadu waxay ugu baaqdey safaaradaha inay galaan xaalad foojignaan ah amnigana adkeeyaan.

Sida ay kasoo xigatey Jariidada Politico oo kasoo baxda wadanka Maraykanka Wasaarada arimaha dibada ayaa cadaysey suura galnimda ah in rabshado ka qarxaan wadamada islaamka iyo carabta ku dhawaaqista Trump kadib.

Digniinta ayaa si qarsoodi ah oo loogu diray Safaaradaha Mareykanka iyo Qunsuliyadaha si loogu diyaariyo khatarta ka imaan karta weeraro lala beegsado safaarada Mareykanka iyo in la xoojiyo talaabooyinka ammaanka, sida uu Wargeysku sheegay.

Wargayska ayaa soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo sheegay inuu aad uga warwarsan yahay weerar balaaran oo lagu soo qaado iyo aargoosi loo geysto muwaadiniintooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...