R/Wasaare Khayre “Soomaaliya waxay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska”

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyey taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Kadib heshiis horumarineed oo ay kala saxiixdeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda USAID kaasoo ku kacaya lacag dhan 300 Milyan oo Dollar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay taageeradooda aan shuruudu ku xirnayn.

“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan ayna gaari doonto dalka oo dhan.

“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan leenahay hay’ado shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi: “Furimaha hore ayaan ka hoggaamin doonaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.”

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, waxaa si habsami...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u ambabaxay Magaaladda Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasaaradda Beeraha Galmudug oo dalagyo kula duwan u qeybisay qooysas ku sugan Gobolka Mudug

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Wasiirka Shaqada XFS oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,...