Wajigii labaad ee Shirkii London ee ka socday Muqdisho oo lasoo gabagabeeyey

Date:

Muqdisho (SONNA), Wajiga 2-aad ee shirkii London  ee arrimaha Soomaliya, islamarkaana madaxda  Dowladda Fedraalka ah,  kuwa Maamul goboleedyada dalka  iyo Beesha caalamka uga socda Magaaladda Muqdisho, ayaa Maanta lasoo gabagabeeyey, iyaddoo la filayo in laga soo saaro  war murtiyeed ku saabsan qodobadii looga hadlay shirkaasi.

Wajigii labaad ee Shirkaasi, ayaa waxaa maanta laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowladda sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qeybaha dambe ee shirkaasi guddoomiyey, isagoo ka hadlay arrimaha dib u eegista dastuurka iyo xoojinta  wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Shirka,  ayaa warbixino ku saabsan qabsoomida doorasho qof iyo cod siddii dalka ay uga dhici laheyd  looga dhageystay Wasiiradda Dastuurka, Qorsheynta, arrimaha gudaha, Haweenka iyo Guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee  doorashooyinka Qaranka, waxaana gabagabada shirka jaanis la siiyey beesha caalamka oo iyagguna ka hadlay aragtidooda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa Wariyeyaasha u sheegay in u jeedada shirkaan ay aheyd siddii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii shirkii London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlay, isagoo xusay in  Wajigii labaad ee shirka London laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 48 qodob, warbaahintana ay la wadaagi doonaan dhowaan.

 

Qodobadii shirkaasi laga soo saaray goor dhow kala soco Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...