Dowladda Soomaaliya oo Heshiis Taariikhi ah la gashay Mareykanka muddo 30 sano ah kadib “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA), Dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya,  ayaa maanta Heshiis taariikhi ah la gashay Dowladda Mareykanka mudo 30 sano ah kadib.

Heshiiskaan oo ku kacaya ku dhawaan $300 oo milyan oo Dollar,  ayaa waxa wax looga qaban doonaa arimaha Caafimaadka, Waxbarasha iyo hormarinta dhaqaalaha Dalka.

Hishiiskaan, ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyaddoona uu goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa dhowaan hishiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhismaha wadooyinka ka baxa Magaaladda Muqdisho lagalay Dowladda Qatar, taasi oo ku baxaysa lacag dhan $200 oo Milyan oo dollar.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...