Nin Soomaaliyeed oo ka mid noqday golaha garsoorka Maxkamadda Hague

Date:

Golaha guud ee Qaramada midoobay ayaa mar kale u doortay inuu ka mid ahaado garsoorka guud ee Maxkamadda dembiyada caalamiga ee ICC.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf ย oo Maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa Sagaalkii Sano ee lasoo dhaafay, ayaa dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi.

Abuukar Daahir Cusmaan safiirka soomaaliya u fadhiya QM ayaa sheegay inuu Garsoore C/qawi ku guuleystay Cod aqlabiyad ah, iyadoo ay aad u bogaadiyeen dhammaan wakiillada 193-da waddan ee ka qayb galay doorashadaasi.

Garsoore Cabdulqawi horay usoo ahaa Guddoomiye ku xigeenka,waxaana lagu wadaa in horraanta 2018-ka uu noqdo Guddoomiye sida uu sheegay Amb:Abuukar Cusmaan.

Maxkamadda dembiyada Caalamiga ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Netherland ayaa imminka Gacanta ku haysa kiiska muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xigasho: VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale