Taliska Qeybta 43-aad ee CXD oo sheegay inay heleen Xogo la xiriira Horjoogaha Al shabaab

Date:

Muqdisho(SONNA) Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Ismaaciil Saxardiid oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in xogo ay heleen ay sheegayaan in Horjoogaha ugu sareeya Aragagxisada Al shabaab Axmed Diiriye uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid Gobalka Gedo.

Taliyaha ayaa sheegay in Horjooge Axmed Diiriye uu kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe, ka dib Cadaadis xoogan uu kala kulmay Hawgalada dhulka iyo cirka oo Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxiibada caalamka ay ku ciribtirayaan Argagaxisada Al shabaab.

“Xogo aan helnay ayaa sheegaya in Horjoogaha Al shabaab ugu sareeya uu ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobalka Gedo, isagoona kasoo cararay Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe halkaas uu ku dhuumaaleysan jiray, isagoo ka baxsanaya hawgalada iyo duqeymaha Ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada caalamka ay ka wadaan qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya”.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Horjoogaha ugu sareeya Nabad diidka Al shabaab uu ugu cararay Gobalka Gedo inuu baxsado maadaama ay soo wajahday baqdin xoogan laakiin Sirdoonka Soomaaliya iyo ciidamadda Xoogga dalka ayaa ku bartilmaameedsan doono goob kasta oo uu ku dhuumaaleysanayo.

Sidoo kale General Ismaaciil Saxardiid Keedsane waxa uu sheegay nabadiidka Al-shabaab goobaha ay joogaan ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool isagoona balan qaaday in degaanadaasi dhawaan ay la wareegi doonaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar u yihiin dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Argagaxisada Al shabaab, iyagoo ay u dhameystiran yihiin qalabkooda, si fiicana loo dhiiri galiyay, waxay sidoo kale heystaan balanqaadyo dhiiri galin ay u sameeyeen Madaxda Qaranka oo waqti kasta garab taagan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...