Isku aadka cayaaraha kubada Cagta maamul gobaleedyada oo la shaaciyay

Date:

Muqdisho (SONNA):-Waxaa shaaca laga qaaday isku aadka tartanka kubada Cagta maamul gobaleedyada Soomaaliya oo looga dhawaaqay munaasabad ay maanta qabatay wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya.

Gobalka Banaadir oo Cayaaraha lagu marti gelinayo ayaa cayaarta ugu horeysa tartanka maalinta Jimcada la yeelan doona kooxda ka socota Jubbaland, iyadoo sida ku cad jadwalka tartanka ay maalinta khamiista ah dhici doonto munaasabada furitaanka.

Lixda koox ee tartanka ka qeyb galaya ayaa loo qeybiyay laba qeybood oo min sadex koox ah. Xulka Banaadir ayaa group-ka A kula jira Jubbaland iyo Galudug, halka group-ka B ay ku wada jiraan: Puntland, Koofur Galbeed iyo HirShabeele.

“Munaasabada furitaanka ee maalinta Khamiista ah dhici doonta waxaa bar bar socda cayaar ay yeelanayaan laba kooxood oo da’doodu ka hooseyso 15 kuwaas oo ka mida dhalinyarada lagu tababaro barnaamijka  horumarinta dhalinyarada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta”ayay tiri Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo saxaafada la hadashay.

Waxaa ay wasiiradu amaan usoo jeedisay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta qaabka wanaagsan oo ay farsama ahaan u diyaariyeen cayaaraha,iyadoo intaa ku dartay in ay aad ugu rajo weyn tahay in cayaarahani ay xiiso weyn ku reebi doonaan bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibada.

“Koox xeel dheerayaal kubada cagta ah oo ay ku jiraan cayaryahano iyo garsoorayaal hore ayaa loo magacaabay guddiga racfaanka ee tartanka. Waxaan jeclahay inaan mar kale xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ku amaano qaabka wanaagsan ee farsamo ahaan loo diyaariyay tartanka”ayay tiri Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Dhanka kale Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa kooxaha tartanka ka qeyb galaya ku wareejisay qalab dhameystiran oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu uu kooxaha ku deeqay.

   A                                                                  B

  1. Banadir                                       1. Hirshabeele

     2.Galmudug                                    2. Puntland

  1. Jubbaland                                    3. South West


Fixtures

MN Day Date Group Teams Field Time
1 Friday 08/12/2017 A Banaadir Vs Jubbaland Banaadir 15:30hrs
2 Saturday 09/12/2017 B     Hirshabeele Vs  

South West

Banaadir 15:30hrs
  Sunday 10/12/2017 Rest Day
3 Monday 11/12/2017 A Galmudug Vs Banadir Banaadir 15:30hrs
4 Tuesday 12/12/2017 B Puntland Vs Hirshabele Banaadir 15:30hrs
  Wednesday 13/12/2017 Rest day
5 Thursday 14/12/2017 A Jubbaland Vs Galmudug Banaadir 15:30hrs
6 Friday 15/12/2017 B South West Puntland Banaadir 15:30 hrs

Semi Final

MN Day Date Teams Time Field
07 Monday 18/12/2017 A1 Vs B2 Banaadir 15:30hrs
08 Tuesday 19/12/2017 B1 Vs A2 Banaadir 15:30hrs

Final

MN Day Date Teams Time Time
09 Friday 22/12/2017 WMN 7 Vs WMN 8 Banaadir 15:00hrs

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...