Madaxweyne Farmaajo” Dowladda waxaa ka go’an dhismaha Ciidan Qaran oo tiro iyo tayo ahaan ku filan iney la wareegaan Amniga”+Sawirro

Date:

 

SONNA, Muqdisho;  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Amniga Soomaaliya ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha ciidan qaran oo tiro iyo tayo ahaanba ku filan in ay amniga kala wareegaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Shirkan oo muddo labo maalmood ah soconaya ayaa Soomaaliya iyo Beesha Caalamku waxa ay dib u eegid ku samaynayaan qorshayaashii ka hirgalay shirkii Soomaaliya ee London, hirgalinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka oo haatan ay meel wanaagsan maraya howlaha isku dhafka Ciidanka iyo sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ula wareegi lahayd amniga dalka kaddib markii uu soo gaba-gaboobo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay dhankooda si mug leh u buuxiyaan kaalinta ay maanta Soomaaliya ka sugayso, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Waxaa noo muuqata ifafaallo ku aaddan Soomaaliya oo xor ka ah argagixisada, dhammaanteenna taas ayaan ka midaysannahay oo aan ka leenahay qorshe midaysan, beesha caalamkana waxa aan ka doonaynaa in ay si buuxda uga  soo dhalaasho ballan qaadyadii Shirkii London.”

Madaxdka iyo masuuliyiinta ka soo qayb galay Shirweynaha Amniga Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Raiisul Wasaaraha dalka, Raiisul Wasaare Kuxigeenka, Xubno ka mid Golaha Wasiirrada, Madaxweynayaasha Dowladda Goboleedyada,Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.s Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirrada dalalka shisheeye ee Soomaaliya, Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, wufuud ka kala timid caalamka iyo hoggaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...