Xuutiyiinta Yeman oo sheegtay in ay dileen Cali Cabdalla Saalax

Date:

Yeman(SONNA) Cali Cabdalla Saalax Madaxweynihii hore ee Yemen ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in uu dhintay,iyadoo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan in nolol iyo geeri lagu la’yahay, kaddib markii Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ay duqeeyeen guriga uu magaalada Sanca ka degenaa.

Warbaahinta taageerta Iiraan ayaa  sheegtay in Cali Cabdalla Saalax uu ku dhintay weerarka bam ee lagu qaaday gurigiisa.

Hase ahaatee Xisbiga Cali Cabdalla Saalax ayaa beeniyay wararka sheegaya in Cali Cabdalla Saalax lagu dilay weerarka.

Ilo ku dhow dhow Cali Cabdalla Saalax ayaa u sheegay Al Jazeera in Madaxii Amniga ee ciidankiisa Hussein Al-Hamadi lagu dilay dagaalka, balse ma aanay bixin faah faahin dheeraad ah.

Sarkaal u hadlay Jabhada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ayaa sheegay inay la wareegeen meelaha muhiimka ah ee Koofurta Caasimadda Sanca, waxaa ku jira deegaanka lagu magacaabo AlMesbahi oo illaa 200M u jira Guriga Cali Cabdalla Saalax

Dagaalka u dhaxeeya maleeshiyada daacada u ah Madaxweynihii hore Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Jabhada Xuutiyiinta ayaa galay maalinkii 6aad, iyadoo labada dhinac ay guulo kala sheeganayaan.

Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa duqeymo ka wada magaalada Sanca, waxaana ay soo dhoweeyeen dagaalka ka dhex qarxay Cali Cabdalla Saalax iyo jabhadda Xuutiyiinta.

Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Isbaheysiga Sacuudiga, waxaana arrintaas ka soo horjeestay Xuutiyiinta oo sheegay in markii hore ay uga shakisanaayeen inuu la safnaa Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...