Wasaaradda Waxbarashada XFS oo heshiis la gashay Wasaaradda Waxbarashada Bagistaan

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan oo wareysi gaara siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay heshiis waxbarasho la galeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dalka Bagistaan.

Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo uu hugaaminaayo ayaa dhawaan gaaray Dalka Bagistaan ayaa tilmaamay in socdaalka ay ku gaareen Bagistaan uu yahay mid lagu xoojinaayo Waxbarashada Dalka Soomaaliya.

Wasiir C/raxmaan  ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Tacliinta Sare ee Dalka Bagistaan ay ka go,an tahay Xoojinta Waxbarashada Soomaaliya isagoona in Soomaaliya ay ka faa,idaysanayso Taageerada Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...