Dad Shacab ah oo xalay Dil iyo Dhaawac loogu geystay Gobolka Hiiraan

Date:

Hiiraan(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in habeenkii xalay deegaan ka tirsan Gobolkaasi lagu dilay Dad shacab ah kuwo kalena lagu dhaawacay.

Ilaa 2 qof oo shacab ah ayaa xalay fal dil ah loogu geystay deegaanka Gafiir oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,iyadoo sidoo kale halkaasi lagu dhaawacay ilaa 3 qof oo kale,kuwaasi oo dhamaantoodi ahaa dad shacab ah.

Wariyaheena Gobolka Hiiraan C/shakuur Cusmaan Cali ayaa sheegay in falkani uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Gafiir oo khayaas ahaantii 10 KM dhanka Waqooyi kaga began tuulada Hees oo labadoodaba hoostaga Degmadaasi Maxaasi ee Gobolka Hiiraan,taasi oo walaac ku abuurtay dadka deegaanka.

Qaar kamid ah Shacabka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku baxay goobta dhacdadaasi ka dhacday,waxaana loo soo qaaday isbitalka guud ee magaalada Baladweyne si loo dabiibo dadkii halkaasi lagu dhaawacay.

Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha ammaanka ayaan weli soo saarin wax war ah oo ku aadan dhacdadani dadka lagu dilay kuwa kalena lagu dhaawacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabatay kulan ku saabsan Wacyigelinta iyo Abaabulka Shacabka ee dagaalka Khawaarijta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay Shirweynaha 11-aad ee Shiinaha iyo Wadamada Carabta

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bankiga Adduunka ku wareejiyay Astaan dhaqan

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige,...

DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha XFS oo isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...