Wejigii 2-aad ee shirkii London oo Muqdisho ka furmaya

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho wejigii labaad ee shirkii arrimaha Soomaaliya oo kol hore ka dhacay Magaaladda London ee xarunta Dalka Britain.

Shirka oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane: Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda Dowladda Soomaaliya,kuwa Dowlad goboleedyad iyo Beesha caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in shirkani diiradda lagu saari doono arrimaha Ammaanka iyo waxyaabihii u qabsoomey dowladda Soomaaliya.

“Wejigii labaad ee shirkii London ayaa muqdisho ka furmaya,waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo,shirka waxaa uu ku saabsan yahay soo bandhigista waxyaabihii dowladda Soomaaliy uga qabsoomay qodobadii ka soo baxay shirkii london,waa shir isla-xisaabtan ah,waxaana ka qeybgalaya Madaxda Soomaliya iyo beesha Caalamka,” ayuu yiri Eng Yariisow.

Dhanka kale,Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in muhiimada shirka ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo horumarada ilaa iyo haatan laga gaaray Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya.

 “Guusha ayaa lagu qiyaasi doonaa iyadoo la tixgelinayo go’aamada muhiimka ah ee la qaadi doono si ay ciidamada AMISOM u qaadeen howlgalo wax ku ool ah, oo ay ku xoojinayaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, si ay AMISOM u awood ugu yeelato in ay hirgeliso waajibaad cusub oo la siiyey iyada oo loo marayo Golaha Amaanka Inay noo ogolaato inaan awood u yeelano in aan fulino hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaannu sugnaa ammaanka guud, inaan ilaalinno xarumaha dadwaynaha, inaan la talino ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed , oo aan si wax-ku-ool ah u abuurno si ay awood ugu yeeshaan iney awooda dalka nagala wareegaan, ” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Bishii May isla sanadkan 2017 ayay ahayd markii magaalada London uu ka dhacay wejigii koowaad ee shirkaasi,oo laga soo saaray qodobo muhiim ah oo quseeyay arrimaha Soomaaliya,waxaana dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigaysa shirkani waxyaabihii uga qabsoomey shirkiii London.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...