Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka oo maanta kulan isugu ymid

Date:

Kulanka 14 aad ee guddiyada joogtada ah golaha shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari waxaana goob joog ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha mudane Cabdi wali Muudey waxaa looga hadlay kulanka maanta dib u eegista qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

kulanka oo xubnaha guddiyadu ay dood ka yeesheen xeerka ayaa waxaa gaba gabadii la hadlay saxaafada xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo sheegay in la isla gartay in qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka ay xubanah guddiyadu soo aqristaan isla markaana la isku soo laabto maalinta axada ah si talo soo jeedin loo sameeyo.

guddiyadda ayaa qaadan doona waqti kooban oo ay ku soo aqristaan xeerkaan qabyada ah waxaana aqrinta ka dib la horgeyn doonaa golaha shacabka si loo ansixiyo oo uu u noqdo xeer ay ku shaqeeyaan goluhu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...