Maydka Taliyihii Ciidanka nabad galyada wadooyinka oo Muqdisho lagu Aasay

Date:

Allaha unaxariistee taliyihii Ciidanka ilaallada nabadgalyada wadooyinka ee Trafico Gen Cali Maxamed Cali “Cali Shariif oo maalmihii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho ayaa saaka ku geeriyooday Caasimada waxaana aaskiisa ka qayb galay mas,uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Xubnaha Mas’uuliyiinta ka qayb galay aaska Marxuumka waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Eng Yiriisow sii hayaha taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka waxaa ay ka tacsiyeeyeen geerida ku timid Marxuumka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada Taabit Cabdi Maxamed ayaa Bulshada Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan qooskii uu ka baxay uga tacsiyeeyay marxuumka Gen Cali Shariif waxaana uu allaah uga baryay inuu u naxariisto.

Gen Cali Shariif waxaa uu u geeriyooday Cudurka Canserka oo uu in mudo ahba la xanuunaa horay waxaa uu u soo noqday taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir waxaana uu xilka Traafikada kala wareegay Taliyihii Hore Gen Cali Gaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...