Dhageyso: Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga XFS oo ka hadlay talaabooyinka ugu horeeya uu qaadayo

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan uu magacaabay R/wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaasha u degsan hadii uu xafiiska Wasaaradda la wareego.

Waxaa uu sheegay in talaabooyinka ugu horeeya oo ay qaadayso Wasaaradiisu ay yihiin Dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,si ay uga guuleystaan Dagaalka lagula jiro cadowga.

Maxamed Mursal Sheekh Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Arintaas ku sheegay wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaran,wuxuuna xusay in ay ka go,an tahay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya in Guud ahaanba Dalka laga saaro Maleeshiyada argagixisada SHabaab.

Wasiir Maxamed Mursal ayaa dhanka kale soo hadal qaaday Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Qaranka ee ay biloday Dowladda Federaalka Soomaaliya,isagoo intaasi ku daray in qorshahaasi uu ahmiyad ugu fadhiyo xasilinta amniga guud ee Dalka.

Hadaba halkan ka dhegeyso Wareysiga Wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...