Dhageyso: Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga XFS oo ka hadlay talaabooyinka ugu horeeya uu qaadayo

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan uu magacaabay R/wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaasha u degsan hadii uu xafiiska Wasaaradda la wareego.

Waxaa uu sheegay in talaabooyinka ugu horeeya oo ay qaadayso Wasaaradiisu ay yihiin Dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,si ay uga guuleystaan Dagaalka lagula jiro cadowga.

Maxamed Mursal Sheekh Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Arintaas ku sheegay wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaran,wuxuuna xusay in ay ka go,an tahay Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya in Guud ahaanba Dalka laga saaro Maleeshiyada argagixisada SHabaab.

Wasiir Maxamed Mursal ayaa dhanka kale soo hadal qaaday Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Qaranka ee ay biloday Dowladda Federaalka Soomaaliya,isagoo intaasi ku daray in qorshahaasi uu ahmiyad ugu fadhiyo xasilinta amniga guud ee Dalka.

Hadaba halkan ka dhegeyso Wareysiga Wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe...

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Afrika ee Aljeeriya

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...