Guddiga Gurmad Qaran oo soo bandhigay tirakoobka dadkii ku waxyeeloobay Xasuuqii Ex Zope ka dhacay”Sawirro”

Date:

Guddiga gurmadka Qaran ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay magacawnaayeen, iyagoo soo bandhigay baaxadda qasaaraha ka dhashay qaraxii Zope.

Shir Jaraa’iid oo guddigaasi maanta ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayey ugu horreyn ku soo bandhigeen tirakoobka qasaarihii ka dhashay qaraxii Soobbe ee 14-ki Oktober, iyagoo tilmaamay in 10890 qofood ay ku waxyeelloobeen masiibadaasi.

Guddoomiyaha guddigaasi C/llaahi Maxamed Shirwac oo hadlay ayaa soo hadalqaaday caqabadihii ay lu kulmeen muddadii ay hayeen howsha gurmadka isagoo u mahadceliyay dowladda F. Soomaaliya, maam ulka gobolka Banaadir iyo cidkastoo gacan ka geeysatay taageeradda dadka ku tabaaloobay masiibadii Ex Zope ka dhacday.

Sheekh Nuur Buuruud Gurxad oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa, sida ay u soo garab istaageen dadka dhibaatadu ka soo gaartay qaraxaasi, isagoo tilmaamay in jaaliyaddu muujisay damiir wanaagsan oo ku dhisan waddaniyad iyo isjaceyl,  taasoo uu xusay iney dhabbaha u xaareyso midnimo isku duubni Soomaaliyeed, iyo in si isku mid ah looga soo horjeesto cadowga.

?
?
?

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...