Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo maalinta berrito ah fasaxday shaqaalaha rayidka ee Dowladda Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SONNA), Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in maalinta berrito ah oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegantahay  12-ka Mowliid ay shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cadde Mukhtaar, ayaa Radio Muqdisho u sheegay  in munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed darteed loo fasaxay shaqaalaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada nabageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.

Wuxuu u ku boorriyay shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...