Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baraawe

Date:

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga tirakoobka ciidanka xoogga dalka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga wasiirka ku xigeenka waxaa soo dhaweeyay Maamulka Magaalada Baraawe, Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka uu ugu horeeyo Taliyaha Ururka 25-aad ee Guutada Sedexaad Ciidamada Xoogga dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay inuu kormeeray Goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka, wuxuuna Warbixin ku saabsan xaalada cidiamada ka dhageystay Saraakiisha hoggaamineysa.

Wasiirka ku xigeenka ayaa la hadlay Ciidamada Xoogga dalka, waxaana uu bogaadiyay hawsha wanaagsan oo ay u hayaan shacabka Soomaalkiyeed, isagoo u balanqaaday in wasaaradda Gaashaandhiga ay dardar galin doonto ka warqabka xaalada iyo baahida ciidamada si ay guud ahaan ula wareegaan Amniga guud ee dalka, wuxuuna ka codsaday inay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan sidii guud ahaan cadowga ay u ciribtiri lahaayeen.

Wafdiga wasiir ku xigeenka ayaa kulan la qaatay Maamulka Magaalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna u sheegeen Bulshadii ay la kulmeen in ciidamda xoogga dalka ay shaqo wanaagsan ka hayaan magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow, iyagoo shacabka ka difaaca cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, Wasiir ku xigeenka ayaa dhankiisa ka codsaday Bulshada inay xoojiyaan taageerada iyo garab istaaga ay kula jiraan ciidamada xoogga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...