Madaxweyne Trump oo hanjabaad hor leh u diray Kuuriyadda Waqooyi

Date:

Mr Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka  oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah inuu sameysto gantaalada iyo hubka Nuclear.

Madaxweyne Trump ayaa ammaan u jeediyay Kuuriyada Koonfureed, waxaana uu ku bogaadiyay horumarka iyo sida ay dalkaasi uu uga duwanyahay waxa uu ugu yeeray dal xabsi ah oo uu ula jeedo Kuuriyada Waqooyi,wuxuuna intaasi kudaray in ay tahay in wado sax ah lagu hogaamiyo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa madaxweynaha xukuumadda Pyonyang Kim Jong Un uga digay in hubka uu horumarinayo uu khatar u kenayo dalkiisa, waxaan uu intaa ku daray in caalamka uusan marnaba u dulqaadan doonin ficilada dowladda Kuuriyada waqooyi.

Waxaa lagu wadaa Madxaweyne Donald Trump inuu usii gudbo dalka Shiinaha,balse Mr Trump waxaa uu baajiyay Safar uu ku tegi lahaa goob ka caagan milateriga ceriyaamo awgeed.

Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa socdaal qaadan donna 11 maalmood waxaa uu ku maraya qaar kamid ah wadamada dhaca Qaaradda Asia,isagoo kulamo uu la qaadan doono madax kaladuwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...