Wasiir Eng. Yarisow oo hay’adaha QM ka codsaday inay xoojiyaan doorka dowladnimo ee Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin kooban oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan.

Wasiir Eng. Yarisow oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa dadaalkiina ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha Qaramada Midoobey iyo horumrka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso.”

Shirkan ayaa ahaa mid labo cisho u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda. Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii siiyey warbixin faahfaahsan oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...