In la hindiso Telefishin oo sawir maqal iyo muuqaal ah loo diro xagga hawada ma aheyn wax cajiib ah ,marka loo eego dhegeysiga Idaacadaha iyo daawashada Aflaamta oo farsamo ahaan la tilmaamay in ay ka horeeyeen soo ifbixii Tv-ga oo ah aalad laga daawado muuqaalada iyo maqalka ay soo gudbiyaan xarumaha tlefishinada .
Ma jirin cid u howlgashay hindisaha aaladda TV-ga ilaa laga soo gaaray dhamaadkii qarnigii 19-aad iyo bilowgii qarmigii 20-aad,waxaana Hindisaha telefishinka uu yimid xilli aqoon durugsan loo lahaa sameynta qalabka biraha ee farsamo ahaan loo adeegsado aaladaha wax soo saarka, barashada cilmiga iyo Habka gudbinta farsamada.
Aqoonyahano badan ayaa ka qeybgalay dhismaha aaladda TV-ga,waxaana ka mid ahaa Alexander Bain,Frederick Bakewell, Giovanni Caselli , J. Thomson , Karl Ferdinand Braun, Boris Rosing ,Vladimir Zworykin iyo kuwo kale , kuwaas oo sanadihii u dhexeeyay 1843-dii ilaa 1911-kii soo bandhigay farsamo iyo fikrado keenay in khuburro kale ay dhameystiraan qalabka telefishinks.
Khuburadaasi oo ahaa farsamo yaqaanno,waxa ay diiradda saareen farsameynta aalad yar oo tv-ah oo wadata miraayado qabta dhaqdhaqaaqa muuqaalka ay soo gudbiyaan kaamerooyinka ,iyagoo qaabeeyay awoodda korontada iyo sida ay u saameeyaan muuqaalka ay gudbinayaan telefishinka ku shaqeeya xargaha Kaamerada .
Sanadkii 1920-waa markii ugu horeysay ee muhandas Scottish oo lagu magacaabo John Logie Baird uu soo bandhigo aalad yar oo telefishin ah oo lagu habeeyo muuqaalka sawirada fidiyowga ah ,isagoo gacan ka helaya Nipkow, Waxaana fikradda aaladddaasi kaga horeeyay, Georges Rignoux iyo A. Fournier oo iyaguna sanadkii 1909-kii daahfuray habka gudbinta muuqaalka.
Horay u dhaqaajintii qalabka korontada ee uu ku shaqeeyo telefishinka ,waxa ay calaamad u noqdeen bilowga dhameystirka habka farsamada telefishinka,waxaana la daahfuray markii ugu horeysay duni uu ka shaqeyo hab telefishin oo la isku halleyn karo.
Philo Tylor Farnsworth oo xilligisu agaa (1906 –1971-kii) waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa aabihii ama aasaasihii Television-ka casriga ah,isagoo noqday qofkii ugu horeeyay ee soo bandhiga telefishin uu ka muuqdo muuqaalka sawirka biniaadamka ,kaas oo ahaa muuqaal yar oo ka kooban 3-inch iyo bar ,isla markaana laga qaaday xaaskiisa Elma
Mr. Justin Tolman ayaa ka mid ahaa macalimiinta gacanta ka geystay in Fransworth oo ku xeel dheeraa cilmiga xisaabta,fisigiska iyo kimisteriga uu ku dhiirado dabagalka fikradaha cilmiga ah ee u suuragaliyay in uu hindiso Telefishin dhameystiran.
1927, isagoo ah 21-sano jir waxa uu soo saaray Tv-ku shaqeeya awoodda korontada ee loo adeegsado gudbinta sawirada ama muuqaalada,wuxuuna hawada u diray sawir ama muuqaal aan dhameystirneyn oo go’go’aya, iyadoo tallaabadaasi keentay in la galay xilli cusub ,isla markaana la helay madadaallo iyo qalab soo jiidasho leh.
Intii u dhaxeysay sanadkii 1927-1930-kii Fransworth waxa uu noqday ninkii sida buuuxda uga shaqeysiiyay soo uruurinta qeybaha muqaallada,awoodda korontada iyo kaamerooyinka fiidiyowga ee la shaqeeya telefishinka,isagoo sidoo kale dhameystiray kala go’go’ii muuqaaalada ee habka korontada iyo sawiradii ama muuqaaladii mugdiga ahaa ee laga daawanaayey aalada tv-ga.
1938-1951,waxaa kordhay farsamada aaladda Tv-ga,xarumaha Tv-ga,sameynta diishashka,xarkaha korontada ee la shaqeeya Tv-ga iyo Kaamerooyinka la shaqeeya aaladdaasi,waxaaana suurtagalay in ay abuurmaan shirkado ganacsi oo wada shaqeeya sida :Television and Radio Corporation,kuwaas oo ku baahay deegaanno uu ka mid yahay Fort Wayne oo ka tirsan gobolka Indiana ee dalka Mareykanka iyo kuwo kale.
Sanadkii 1954-tii waa markii ugu horeysay ee la soo bandhigay habka midabada telefishinka,taasoo dunida ka dhigtay ama u saafi gareeysay is-badal xagga dabeecadda ah iyo ilbaxnimada casriga ah.walow ilaa bartamihii 1970-kii ay sii jireen ama ay yaraayeen telefishinada Caddaanka iyo Madowga ah
Farnsworth markii uu gaaray da’da 64-sano jir Waxa uu helay in ka badan 3-boqol oo isugu jira abaalmarinno,billad sharafeed iiyo aqoonsi ku aadan wax soo saarkiisa ,kuwaa oo ay bixiyeen dowladda Mareykanka,Ingiriiska iyo dalal kale,kadib kolkii loo aqonsaday in uu qaabeeyay ama aasaasay Telefishinka ku haboon ganacsiga.
Fransworth oo geeriyooday 1971-dii waxaa Sanadki 1988, matxaf ku yaalla magaalada Rigby ee gobolka Idaho ee Mareykanka uu u aqoonsaday in uu ahaa nin u go’ay horumarinta iyo sameynta aaladda telefishinka,waxayna ku magacaabeen halyeeyga aasaasaha Television casriga ah.
May 2, 1990, waxaa taallo lagu sharfayo looga dhisay xarunta ama hoolka caasimadaa Washington ee D.C,iyadoo taalladii labaad laga hirgaliya gobolka Utah ee Mareykanka,inkastoo maamuuskii ugu horeeyaay uu ka dhacay Jaamacadda Brigham Young oo uu Fransworth wax ku soo bartay yaraantiisii.
Inkasta oo loo yiqiinnay horumariyihii habka hindisaha Telefishinka ,Farnsworth waxa uu ka qeybqaatay ama lug ku lahaa sahminta aalado badan sidas Microscopka,Wuxuuna helay magac iyo maamuus mudadii uu ku jiray howsha hindisaha Telefishinka
Horumarinta isgaarsiinta telefishinka iyo telefishinka ku shaqeeya Satelite-ka sanadkii 1970-kii waxay ogolaadeen in kanaalo badan oo gudbiya telefishina ay dhiirigeliyeen in ganacsato badan ay muhiimadda saaraan barnaamijyo ku socda dhageystayaal gaar ah,waxayna kaloo ay awoodeen in ay sare u kacaan dadka doonaya in ay rukuntaan ama la macaamilaan kanaalada telefishinada,sida Home Box Office (HBO), Showtime oo ka jiray Mareykanka iyo , Sky Television oo isna ka jiray Ingiriiska.
Bishii October 1984, aqalka Congress dalka Maretkamka waxa ay meel mariyeen qoraallo ku wajahan siyaasadda isgaarsiinta (Cable Communication ) oo la diyaariyay isla sanadkasi ,kaas oo kuwa isticmaala habka telefishinada u ogolaanaya in ay si xaq ah u helaan adeegsiga qalabka fududeeya isgaarsiinta la mariyo hawada.
Sanadkii 1986-dii waxaa la bilaabay in kaanaalada baahiya telefishinada qaarkood ay ku dhiiradaan isticmaalka aaladda Satelite-ka oo ah qalab awood u leh in isagoo ku sugan hawada sare uu qabto muuqaallo iyo maqal laga baahiyay dhulka,isla markaana loo gudbin karo qaarad illaa qaarad kale ,iyadoo la isticmaalayo diishash ama saxanno waa weyn oo ku shaqeeya qalabka korontada
Internet telefishin ama online telefishin waa hab suurtagaliya in telefishinadu ay si degdeg ah u adeeegsadaan gudbiyaanna macluumaadka,iyagoo ku xiran aaladda Internetka,waxaana shaqada dhaqsaha leh ee ay wadaagaan telefishinada ay dulucdeedu tahay in loo sii mariyo habka internetka,kaas oo gebi ahaan ka horjeeda hab dhaqameedkii hore
Digital television waa telefishiada u shaqeeya sida dhaqsiyaha leh ee heerka sare,isla markaana awooda in uu baahiyo muuqaalada dhaqdhaqaaqa iyo maqalka.
Habka ditigaka waa kuwo badiya macluumaadaka la qabtay ee la baahinayo haba kala duwanaadeen kanaalada telefishinada iyo aaladda isku xirta muuqaalka,maqalka iyo waxa kale ee la gudbinaayo
Digital TV waxa uu kaa caawini karaa wax ka badan hal barnaamij oo aad u isticmaasho kanaal teleshin oo keliya,waana xididada si dhow isugu xira in si fudud loo isticmaalo waxyaabaha jaban ee kombiyuutarada waxtarka leh
Sanadkii 1990 -kii iyo wixii ka dambeeyay digital TV waxa uu noqday fursad dhaxalgal ah oo bulshada caalamka u horseeday in horumar laga gaaro isticmaalka ama adeegsiga qalabka warbaahinta .
W/Diyaariyay Shire Xasan Kulmiye