Taliska Xoogga qeybta 12ka April oo sheegay inay guullo ka gaareen howlgal ka dhacay deegaano gobolka Sh/hoose katirsan

Date:

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa hoggaaminayey howlgal ciidamada difaaca ay ku xorreeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, kaasi oo lagu baacsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Deegaanada howlgan lagu xorreeyey, waxa kamid ah God, Dofaar, Jambaluul iyo Basra oo kawada tirsan gobolka sh/hoose, waxaana intii uu socday howlgalka  ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan gaadiid dagaal oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 12ka april ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cumar dheere, ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciimadda ay guullo weyn ka gaareen howlkaasi, ayna ku dileen maleeshiyaad nabad diidka ka tirsan, isagoo intaas raaciyey in nolosha ay ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan kooxdaasi Naflacaariga ah.

howlgaladani, ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay maleeshiyada Al-Shabaab ay dad shacab ah ku laayeen miinooyin ay dhulka ku aaseeyen oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo wadada isku xirta labada gobol ku safrayay.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...