Wasiiro ka tirsan X.F.S oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Ugaas Cumar Geele Maxamed+Sawiro

Date:

Muqdisho(SONNA) Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo ka mid ah Duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland oo ay wehliyaan Odayaal dhaqameedyo ayaa waxay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ugaaska oo mudo 20-sano ah ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra,iisul Wasaarhii hore ee soomaaliya Cali Maxamed Geedi Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ,Wasiirka Qorsheynta,Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Soo dhaweynta Ugaaska kadib,Ugu horeyn waxaa warfidiyeenada  la hadlay Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waabari oo tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaas Cumar haddii ay yihiin Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,islamarkana inta uu joogo Muqdisho wax badan ka faa’ideysan doonaan.

Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaaska oo mudo 20-sano ka dib dalka dib ugu soo laabtay.

Sidoo kale,Waxaa madasha soo dhaweynta Ugaas Cumar Geelle Maxamed ka hadlay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay iney ka faa’ideysto hanaanka hogaanka uu qibrad fog u leeyahay Ugaaska maalmaha uu ku sii sugnaan doono magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii,Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo Garoonka kula hadlayay Wariyaasha ayaa marka hore u mahad celiyay dhamaan madaxda Qaranka iyo Duubabka dhaqanka sida wanaagsan ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...