Wasaaradda Amniga oo soo bandhigtay macluumaad hor leh oo ku saabsan Weerarkii Soobe+Sawiro

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasaaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay macluumaad hor leh oo ku saabsan shabakadii fulisay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Macluumaadka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa sidan u Qoran:-

Hey’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa weli sii wada baaritaannada ku aaddan dadkii loo qabtay qaarkood weerarkii 14-kii October lagu xasuuqa  boqollaal dad masaakiin ah.

Shaqsiyaadka la soo bandhigay ayaa qaarkood laga heyn sawiro,iyadoo Hay’adaha amaanka Dowladda ay sheegeen iney ku daba jiraan walina baaris ay socoto.

(Sawir malahan)- Mukhtaar Gar-dhuub oo loo yaqaanno Ceynaan ama Fanax waa madaxa Amniyaadka Al-shabaab waa ninkii dajiyey qorshaha xasuuqii Soobe, waxa uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose waa lagu daba jiraa.

(Sawir malahan)- Cabdiweli  Cabdi-qani waa madaxa Qaraxyada gobolka Benaadir ee Al-shabaab, waxa uu amarka ugu dambeeya ka qaataa Mukhtaar Gar-dhuub waa lagu daba jiraa.

 

Xasan Aadan Isaaq waxaa loo diyaariyey markii hore in gaariga NOAH-da ah uu isku qarxiyo, waana isku xirihii weerarkii Soobe, waxaa gacanta ku haya hey’adaha amniga ka hor inta uusan qarxin gaariga NAOH oo uu watay.

 

Ali Yusuf Wa’eys (Duale) waxa ay ciidanka Amniga ku qabteen isaga oo weli uusan soo gaarin dhagar-qabihii gaariga  NOAH-da waday ee la qabtay.

 

gaarigii TM-ka ee SOOBE lagu qarxiyey waxaa waday naftii halige Xuseen Aadan Maadeey (Cusmaan Xaaji) ayuu ku magac dheeraa, Hooyadiis waxaa la yiraahdaa Faaduma Cismaan Cali deggan Mareerey.

“Gaariga TM-ka waxaa la gaday 18-08-2017-ka waxaa laga gaday (Sawir malahan)- Cabdullaahi Ibraahim Xasan, wuxuu ka iibiyey Xasan Aadan Cabdullaahi “Afrax” iyadoo lagu wareejiyey Nootaayo ku yaalla gobolka Benaadir”.

ninka Milkaalaha ah Cabdullaahi Ibraahim Xasan weli hey’adaha amniga gacanta kuma dhigin laakiin waxaa la shaacin doonnaa sawirradiisa, ciddiisa soo sheegtana waxaa la siin doonaa abaalmarin ay ku faraxdo.

“gaariga TM-ka ka hor inta uusan qarxin waxaa la saaray wadada Afgooye iyo Muqdisho si aanan looga shakin, safarkiisii ugu horreeyey waxa uu billaabay 13/09/2017-ka waxa uu qaadi jiray Galleyda darawalkii ku shaqeyn jiray waxa uu ahaa Xuseen Aadan Maadeey naftii “halige” ee SOOBE isku Qarxiyey.

 

Cabdiweli Axmed Diiriye ayaa dammiintay gaariga, TM-ka laakiin ciidanka amniga ayaa diidey oo ku qanci waayey.

 

Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ah nin si weyn looga garanayey oo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa  ugu dambeyn gaariga TM-a dammiintay kaddib markii ciidanku ay ku qanceynna sidaa ayaa lagu sii daayey gaarigii.

 

Canshuur bixiyihii gaariga TM-ka waxaa lagu magcaabaa Cabdullaahi Cabdi Warsame oo hadda ku jira gacanta hey’adaha Amniga Soomaaliya.

Hey’adaha amniga Soomaaliya ayaa wada dhammeystirka xogta ama macluumaadkii ugu dambeeyey ee baaritaannada ay hadda ku howlan yihiin, si jawaabbo looga bixiyo gummaadkii Muqdisho ka dhacay 14-kii October ee 2017-ka, xogta oo dhanna dhowaan ayaad ka heli doontaan hey’adaha amniga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale