Robert Mogabe oo iscasilay

Date:

Zimbabwe(SONNA) Madaxweynihii dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo 37 sano ahaa hogaaminayay wadankaas ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay.

Is casilaada Mugabe ayaa ka dambeysay kadib markii xisbiga talada haya uu ka codsaday inuu is casilo waqtina u qabtay.

Waqtigii loo qabtay oo dhamaatay isla markaana uu gudiga fulinta xisbiga uu bilaabay inuu go’aan ka qaato ayuu Mugabe u gudbiyay qoraal uu isku casilay.

Dadaalo iyo wada hadalo ka dib Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa is-casilay, sida uu ku warramay afhayeenka baarlamanka dalkaas.

Afhayeen Jacob Mudenda ayaa aqriyey wax uu ku sheegay warqad ka timid Mugabe, oo u qorneyd sidan “Aniga oo ah Robert Mugabe, waxaan si waafaqsan qodobka 96-aad ee dastuurka, halka kusoo gudbinayaa si-casilaadeyda…taasi oo si deg deg ah u dhaqan galaysa”.

Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo ku saabsan warqaddaas oo laga helay xafiiska Robert Mugabe

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...