Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Lacag ku wareejisay Guddiga Gurmadka qaraxii Soobe

Date:

Muqdisho (SONNA) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta Guddiga Gurmadka qaraxii Soobe ku wareejisay lacag dhan Toban Kun oo doolarka Mareykanka ah (10,000$) oo ay iska aruuriyeen shaqaalaha iyo madaxda Hay’adda.

Ku simaha Agaasimaha Guud Mudane C/laahi Xaaji Bashiir ayaa guddiga ku wareejiyay lacagtaan ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha iyo madaxda Hay’adda isla markaana loogu talagalay in lagu caawiyo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii 14 October ka dhacay Soobe.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad iyo Prof. Shirwac oo ka tirsan guddiga gurmadka ayaa guddoomay lacagta waxayna alle uga baryeen shaqaalaha iyo madaxda HSJ in uu ajar ka siiyo tabaruca ay u sameeyeen walaalahood ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii Soobe iyaguna ay si wanaagsan u gaarsiin doonaan dadka ay dhibaatada soo gaartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...