Dowladda Iraan oo beenisay in ay lug ku leedahay is Casilaadii Sacad Al-Xariiri

Date:

Dowladda Iran ayaa sheegtay in casilaada Ra’iisal wasaarihii dalka Lubnaan Sacad Al-Xariiri qeyb ka tahay Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka,islamarkaana Iraan wax xiriir la lahayn qorshaha iscasilaadiisa.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Lubnaan ayaa is casilaadiisa sabab uga dhigay inuu u cabsaday noloshiisa.

Saraakiil sar oo u hadlay Iran ayaa ku eedeeyay Mareynkanka iyo Sacuudi Arabia iney ka danbeeyaan qorshaha uu sida lama filaanka ah isugu casilay Sacad Al-Xariire.

Hadalkii uu jeediyey ee uu ku sheegay iscasilaadisa ayaa Al-Xariiri wuxu si ba’an ugu dhaliilay Tehran iyo dhaqdhaqaaga Shiicada Lubnaan ah ee Xisbullah ee ay Iran taageerto.

Talaabadan uu qaaday ayaa Lubnaan dib ugu celinaysa hubanti la’aantii siyaasadeed.

Sacad Al-Xaraiiri wuxu carrabka ku adkeeyey Iran markii uu jeedinayay hadalkii uu ku shaaciyey iscasilaadiisa, waxaanu ku eedeeyey Tehran in ay colaad iyo burbur ka abuurto meel kasta oo ay gacanteedu gaadho. Hadalkiisan uu ka jeediyey Sucuudiga ee aanu ka odhan Lubnaan dhexdeeda ayaa dad badan durbadiiba ku dhaliyey in ay arinta u arkaan go’aan Riyaad ka dambayso.

Lataliye sare oo u hadlay Iran ayaa dusha u saaray Sucuudiga in ay tallaabadan wada qorsheeyeen Maraykanka oo intan madaxweyne Trump hogaanka u qabtay si aad ah u taageera aragtida siyaasadeed ee Sucuudiga ka leeyahay Bariga Dhexe.

Mr. Xariiri Aabihii Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Lubnaan Rafik Al-Hariri ayaa shirqool lagu dilay sanadkii 2005.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...