Maxakamadda Ugu sareysay ee Kenya oo Sharciyaysay dib u doorashadii Kenyatta

Date:

Kenya(SONNA) Iyadoo siweyn loo sugaya go’aano ku aadan sharciyada dib u doorashadii madaxweyne Uhurru Kenyatta,ayaa Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxaa ay meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo ahayd mid siweyn loo sugayay.

Ilaa 6 garsoore oo dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay  natiijada guusha madaxwayne Uhuru Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Waxaa Go’aankan ay qaadatay maxakamadda sare ee Dalka Kenay uu waddada u xaarayaa in madaxweyne Uhurru  Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo,tasi oo haatan qaban qaabadeeda ay socoto.

Waxaa la aasaasey Maxkamadda ugu sareysay Dalkaasi Kenya oo sanaddii 2010,iyadoo taariikh sameysay bishii September markii ay waxba kama jiraan ka soo qaaday gushii Kenyatta ee doorashada Agosto. Waxayna amartay in doorasho hor leh lagu qabto lixdan maalmood gudahood.

Taageerayaasha madaxweyne Kenyatta ayaa aad u so dhaweeyey Go’aankaasi,waxaana la arkayay dadweyne aad u badan oo dabaal degyo sameynaya.

Madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyatta ayaa waxaa lafilayaa in dhawaan uu soo dhiso dowlad,isagoo ay horyaaliin arrimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan maareynta mucaaradada faraha badan ee ka imaanaya xoogaga Mucaaradka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...